Sign in to follow this  
Deeq A.

Ka warran haddii ay Hillary Clinton noqon lahayd madaxweynaha Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka warran haddii ay Hillary Clinton noqon lahayd madaxweynaha Mareykanka?

Hillary Clinton waxay ku dhawaatay in loo doorto madaxweynaha MareykankaHillary Clinton waxay sanadkii 2016 ku dhawaatay in loo doorto madaxweynaha Mareykanka

Buugga loogu magac daray Rodham wuxuu male’awaalayaa duni u dhow mid run ah oo wax kastana ay sidan ka duwanaan lahaayeen. Male’awaalka xiisaha leh ma nagu caawin karaa inaan dhisno ‘mustaqbal habboon’ ayey tiri Caryn James, oo ah wariye u dhalatay Mareykanka oo dhaleeceysa filimada.

Sanadkii 2016-kii, shacabka Mareykanka waxay ku dhawaadeen inay madaxweyne u doortaan Hillary Clinton, dadka reer Britain iyaguna waxay ku sigteen inay diidaan ka bixitaanka Midowga Yurub. Bal ka warran haddii ay arrimahaas u dhici lahaayeen si ka duwan sidii ay u dhaceen?

Qorayaasha mid ka mid ah buugaagtii ugu wanaagsanaa waayadan iyo barnaamijyo ka baxa telefishinnada ayaa sameeyay duni male’awaal ah oo ku dhisan jumladda “ka warran haddii ay sidaas dhici lahayd”.

Curtis Sittenfeld, oo ah qoraa u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sameysay buug ay ku magacowday Rodhan – oo dad badan ay ku xirmeen – waxayna uga warrameysaa sida ay Hillary Rodham nolosheeda u ekaan lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton. (Waxyaabaha durba la fahmayo waxaa ka mid ah: in xirfaddeeda hammigeeda siyaasadeed uu billaaban lahaa xilli ka horreeya waqtigii uu billowday, maadaama uu seygeeda siyaasi ahaa.)

.Buugga waxaa lagu sharraxay qaabkii ay nolosha Hillary noqon lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton

Shirkadda uu leeyahay ninka ku xeel dheer allifaadda male’awaalka filimada, ee lagu magacaabo William Gibson, ayaa ka qeyb qaadatay diyaarinta Duni ay madaxweyne ka tahay Hillary Clinton, oo sidoo kale Britain aysan ka bixin Midowga Yurub.

Qeybta ugu horreysa ee Filimkaas siyaasadeed ee male’awaalka ah, oo lagu magacaabay “The Good Fight=Dagaalka Wanaagsan” ayaa ka baxday telefishinka CBS, waxaana diiradda lagu saaray Hillary Clinton oo madaxweyne ah.

Qaabka sheegada loo sameeyay aad baa loo jecleystay ilaa dhammaadka.

Waxyaabo kale ayaa male’awaal noocaas ah laga sameeyay. Musalsalka AppleTV+ ee lagu soo qaato wax kasta oo ay bani’aadanka male’awaal ka dhigtaan ayaa isagana lagu eegay waxa dhici lahaa haddii uu Ruushka dayaxa geyn lahaa nin, kaddibna haweeney, ka hor inta uusan sidaas sameynin Mareykanka.

Madaxweynihii Mareykanka, ee lagu magacaabi jiray Richard Nixon, oo lagu yaqaannay inuusan wax dan ah ka yeelanin xuquuqda haweenka ayaa dalbaday in sidaas la sameeyo, oo ragga iyo dumarka loo wada diro dayaxa.

Akhristeyaasha iyo daawadeyaasha waxaa suurtagal ah inay ku caajiseen waxyaabaha male’awaalka ah, gaar ahaan marka ay u jeedaan xaqiiqda. Laakiin barnaamijyadan cusub waxay dareensiinayaan rajo fiican oo dhici karta. Waliba waxay kusoo aadeen xilli uu cudur safmar ah ka jiro caalamka oo inta badan guryaha la joogo, fursad wax kasta lagu daawadana la heysto.

.Musalsalka lagu magacaabay “For All Mankind” wuxuu male’awaalayaa duni ka duwan tan hadda jirta, oo imagines an alternative, female-friendly history of the space race

Sidaas darteed dadku waxay ka fikirayaan xiisaha ay yeelan lahayd duni ka duwan sida ay hadda tahay.

Horayba way jireen waxyaabo lagu fikiri jiray sida ay xaaladdu noqon lahayd haddii aysan dhici lahayn. Waxaa tusaale fiican ah Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Filim ay shirkadda HBO sameysay, oo lagu magacaabo “Qorshihii ka dhanka ahaa Mareykanka”, ayaa lagu daawaday Charles Lindbergh oo madaxweyne ka ah Mareykanka.

Filim kale oo musalsal ah, oo laga heli karo Amazon ayaa isagana lagu jilay Yuhuudda Mareykanka ah oo sannadihii 1970-meeyadii ugaarsanaya Naaziyiintii xasuuqay.

Hase yeeshee, arrinta ku saabsan 2016-kii waxay ka xiiso badan tahay dhammaan waxyaabaha kale, sababtna waxaa laga yaabaa inay tahay maadaama madaxweynenimada Hillary iyo kusii jiritaanka UK ee Midowga Yurub ay ahaayeen arrimo aad ugu sigtay inay si dhab ah u dhacaan.

Xalaqo ka mid ah filimka "The Good Fight" waxaa lagu male'awaalayaa Hillary Clinton oo madaxweyne noqotayXalaqo ka mid ah filimka “The Good Fight” waxaa lagu male’awaalayaa Hillary Clinton oo madaxweyne noqotay

Dhacdooyinkan u dhawaaday runta ee laga sameeyay male’awaalka xiisaha badan ma aha kuwo ay suurtagal tahay inay si fudud u rumoobaan.

Laakiin haddii ay xitaa dhici lahaayeen, waxaa jiro waxyaabo badan oo aysan ka baddali kari lahayn dunida hadda jirta, sida lagu caddeeyay filimada matalaadda ah.

Madaxweynaha male’awaalka ah ee filimka lagu matalay, oo loola jeedo Mrs Clinton, awood uma aysan yeelanin inay nabad kusoo celiso gobolka Bariga Dhexe.

Balse waxyaabo kale oo waaweyn ayaa ugu hirgalay sida ka muuqata filimka khiyaaliga ah.

Waxaa ka mid ah in maamulka ay madaxweynaha ka tahay Hillary uu daawo u helay cudurka kansarka.

Haddaba markii dib loogu soo laabto dunida runta ah, dhammaan taariikhahaas khiyaaliga ah awood uma laha inay dib waqtiga u celiyaan, oo ay mar kale isasaxaan.

Kama hortagi karaan inuu dillaaco fayraska hadda dunida oo dhan ku faafay, dibna uma celin karaan ka bixitaanka UK ay macsalaameysay Midowga Yurub.

Balse waxaa laga yaabaa in ay fikrad naga siiyaan sameynta mustaqbal ka wanaagsan sidii hore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this