Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasaasi:Xukumada Farmaajo oo lacag ku bixineysa xiisada ka aloosan Puntland+Deni oo sida Fiinta uga qayliyey….

Recommended Posts

Deeq A.   

Xasaasi:Xukumada Farmaajo oo lacag ku bixineysa xiisada ka aloosan Puntland+Siciid Deni oo sida Fiinta uga qayliyey….

 deni-3-300x169.jpg

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland.

Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaadhay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso.

Warbaahinta ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale.

Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaadhsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan.

Dowladda federaalka ayaa  sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this