Sign in to follow this  
Deeq A.

8 askari oo ciidamada DF ka tirsan oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan meel aad ugu dhaw deegaanka Gololey oo hoos taga Balcad, waxaa galabta makhribadii qarax lagula beegsaday gaadiid ay wateen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyo gadiid ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya.

Illaa sideed askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militeriga Soomaaliya, waxaana dhaawacii askartaas loola cararay demada Balcad.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay sheegeen in 10 askari ay uga dileen ciidanka dowladda, kadib markii qaraxaasi uu haleelay gaari ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo kasoo baxay Jowhar, kuna jeeday Muqdisho.

Inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaa inta badan qaraxyo lagu dhibaateeyo ciidanka dowladda Soomaaliya, mararka qaarna waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ku aasa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarrada Al-Shabaab ee ku wajahan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haatan u batay dhanka qaraxyada la geliyo wadada hareereheeda, kuwaas oo meelo fog laga hago, si loola beegsado gaariga ciidanka markii uu ku soo dhawaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this