Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo Midowga Afrika Kaga Digtay Faragelinta Siyaasadda Gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga oo saaxib dhow dhow la’ah dowladda federaalka tan iyo markii uu cilaaqaadka la yeeshay ayaa ka hadashay xaaladda dalka hadda uumaraayo , gaar ahaan hadal maalmahaan saxaafadda dalka ka qurtay hadalkii ka dhanka ahaa dowlad goboleedka Jubbaland ee ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira.

Wakiilka dowaladda Turkiga u fadhiyo Soomaaliya Amb. Kani Torun oo qoraal kooban soo dhiga bartiisa  Twitter-ka ayuu  uga hadlay arrintaasi, waxaana uu  ugu baaqay ururka Midowga Afrika  oo Soomaaliya ka gacansiiya dhanka amniga iyo dhinacyo kale in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya waxaana uu intaas ku daray in loo baahan yahay ururku in ar weliba dhex dhexaad ka noqdaan oo aysan faraha la galin siyaasadda Gudaha Soomaalia

“Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yiri danjiraha dowladda turkiga ee u jooga Soomaaliya Kani Torun.

Hadalka dhowaan ka soo yeeray wakiilka midowga afrika Amb. Francisco Madeira ayaa dhaliyey in facelin badan laga bixiyo iyadoo ay xusid mudan tahay dowlad goboleedka Jubbaland xildhibaannada ku matalo federaalka in ay sheegeen in maxkamad ay la tiigsan doonaan halka xisbiyada dalka ay dalbadeen in la badelo  Francisco Madeira.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this