Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisas cusub oo Coronavirus ah oo dalka laga diiwaan-geliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwan-geliyay 22 kiis oo cudurka Covid-19 ah.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur Galbeed 1-qof iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taas oo caddeyneysa in gobolka Banaadir tiradA cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday, halka uu kusii fidayo gobolada dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in illaa 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday.

Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711, waxaa sidoo kale ka bogsaday 253, halka ay u geeriyoodeen 67 ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this