Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jeesow oo ku baaqay in la soo xiro madaxda Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha BF Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo hadalkii ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira ee ahaa in Jubbaland ay ku heshiisay hal beel.

Jeesow ayaa sidoo kale si adag uga horyimid hadalkii shalay ee ay madaxda Jubbaland ku dalbadeen in guud ahaan dalka looga eryo, Amb. Madeira

Sidoo kale xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in madaxda ugu sarreysa Jubbaland ay dhibaato ka wadaan maamulkaasi, isagoona ku baaqay in la soo xiro.

Halkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay Jubbaland si weyn u cambaareysay khudbaddii uu golaha ammaanka ee QM ka jeediyey ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this