Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad looga shakiyey cudurka Coronavirus oo ku geeriyooday Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la dhaafay ku dhowaad 5 qof oo looga shakiyey cudurka faafa ee Coronavirus ay ku dhinteen gudaha magaalada Cadaado oo ka tirsan gobolkaasi.

Madaxa caafimaadka isbitaalka magaaladaasi, Cabdi Xasan Cali oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in dadka ay diiwaan-geliyeen ee dhintay ay gaarayaan illaa 4 ruux.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan xireen qeybta gurmadka deg-dega ah ee isbitaalka oo lagu qaabilay dadkaasi looga shakiyey inay u geeriyoodeen Covid-19.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cc-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this