Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ballaaran oo maanta gaaray magaalada Marka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Abuukar ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Senator Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Najax iyo guddoomiyaha degmada Marka C/laahi Waafow ayaa xubnahaasi ku soo dhoweeyey halkaasi

Soo dhoweyn kadib mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay ka dhagax dhigeen xarunta maamulka gobolka ee magaaladaasi, taas oo dhowaan dib u dhis  lagu sameyn doono.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

100577112_942927356165301_19935780046635 101195324_942927402831963_91814482340132 wafd-1-750x430-2.jpg 101340083_942927432831960_34688933351946

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this