Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixinta 26 May 2020+Tirada dadka cusub ee Coronavirus laga helay Somaliland+Tirada Dhimashada oo korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Coronavirus ugu Geeriyooday Somaliland, taasoo tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Gudaha Somaliland ka dhigaysa 17 Qof.

Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof.

Sidaa waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Coronavirus la wadaagay Warbaahinta.

Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this