Deeq A. Posted May 26, 2020 Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa kormeer ku gaaray xerada Gaaska 11-aad, guutada 35-aad oo ka mid aheyd xeryihii ilaalinta xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado, si markale ay kaga mid noqoto xeryaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed . Kormeerkan waxaa ku wehliyay taliye Odawaa saraakiil ka tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee Xoogga dalka, sida Janaraal Saalax Yacquub oo ah abaanduulaha qeybta 27-aad iyo gaashaane Aadan Siyaad Cabdi oo isna ah abaanduulaha qeybta 21-aad ee Xoogga dalka. Xeradaan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayaa taliyaha wuxuu ku amaanay saraakiisha qeybta 21-aad iyo reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeenteeda oo taliyuhu tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska ciidanka Xoogga . View the full article Share this post Link to post Share on other sites