Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarumaha dadka looga baarayo Covid-19 oo la kordhinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka joogtada ee guddiga la tacaalidda Covid 19 oo R/wasaare Xasan Cali Kheeyre  guddoomiyay  ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.

Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo.

“Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska r/Wasaare Khayre.

Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan oo dalka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this