Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Garasbaaley oo ka hadlay dagaal ka dhacay duleedka deegaankaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaankaasi.

Garyare ayaa marka hore beeniyey in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Garasbaaley, kadib markii wararkaasi lagu baahiyey baraha bulshada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay meel ka baxsan Garasbaaley oo ah agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidan ka amar-qaata guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar ay howlo burburin ah ka bilaabeen halkaasi, kadibna ay isku dhaceen askar kale oo ka soo horjeeday burburintaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Gudoomiyaha-garsbaaley-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this