Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda WHO Oo Joojisay Tijaabinta Daawo Halis Ku Ah Bukaanada Qaba Cudurka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaadh ah in loo joojiyey sababa la xidhiidha badqabka dawadaasi awgeed.

Hay’adda WHO waxay Isniintii sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen ‘si ku meel gaadh ahna’ loo joojiyey.

Go’aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada lagaga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this