Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Nooc Cusub Oo U Dhaxeeya IRAN Iyo ISRAA’IIL Oo Ka Socda Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Website-yo laga jabsaday ee Israa’iil, weeraro internet-ka oo laga soo wariyay Iran iyo dagaalka Twitter-ka ee hogaankooda u dhaxeeya: Cadaawadda u dhaxeysay labadan dal ee si weyn u xifaaltama ayaa ka holcaysa Online-ka.

Falaadhihii ugu dambeeyay ee ay is-weydaarsadeen Israa’iil iyo Iran waxay ku beegmeen 20 sanno guuradii kasoo wareegtay markii ciidanka Israa’iil ay ka baxeen koourta Lubnaan, taasi oo ay ku khasabeen maleeshiyaadka Iran ay taageerto ee Xisbullah.

Iyadoo Israa’iil ay u dabaal degeeyso markii ay qabsatay qaybta bari ee magaaladda barakeysan ee Qudus sanadkii 1967, Iran waa ay xuseysaa maalinkas waxayna ku xuseysaa Falastiiniyiinta iyo isku xidhka muslimiinta iyo sidoo kale Yahuud nacayb.

“Waan taageeri doonaa waana caawin doonaa maamul kasta iyo koox kasta oo la dagaalamaysa rajiimka Yahuudda,” waxaa sidaas Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Waxaa uu ku baaqay in la difaaco dadka Falastiin iyo in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaaare Benjamin Netanyahu.

Ra’iisul Wasaaraha Israe  ayaa Khamanei Twitter ka ugu jawaabay. “ Waa in uu ogaadaa in rajiim walba oo Israa’iil ugu goodiya xasuuq uu naga heli doono khatar la mid ah,” yuu qoray Netanyahu.

Weeraro internet-ka ah

Subax kadib markii hogaamiyeyaashu Twitter-ka isku hardiyeen, Israa’iil waxay kusoo kacday weerar Internet-ka ah oo lagu beegsaday website-yo, ganacsi, dowladaha hoose, iyo NGO iyadoo ay la socotay farriin ku qoran luuqadaha Hebrew iyo English oo sheegeysa in “bur-burinta Israa’iil ay bilaabatay muddo ka hor.”

Weerarkaas waxaa la socday muuqaal muujinaya Caasimadda dhaqaalaha Israa’iil ee Tel Aviv oo gubaneysa waxaana ku dul qornaa “ u diyaar garooba layaab weyn”

Ma jirto faah-faahin laga helay kooxda weerarka sheegatay oo magacooda ku sheegay “Hackers of Saviour”.

Horraantii todobaadkaan, Washington Post ayaa werisay in Israel ay qaaday weerar ka dhan ah dekadda Iran ee Shahid Rajae oo ku taalla marinka Hormuz oo muhiim u ah isu socodka saliidda caalamka.

Weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay in uu aargoosi u ahaa weerar lagu qaaday warshadaha biyaha Israel.

Mas’uuliyiinta Israel ma aysan xaqiijin labada weerar midkoodna, hase yeeshee waxay ogolaadeen in tuhunka uu sii jiitamo.

“Canaasiirta Iran waxay noo soo dirayaan unugyo dhan kasta naga qabsada,” waxaa sidaas yidhi wasiirka difaaca Israel ee xilka ka degay toddobaadkii tegay Naftali Bennett.

“Waa inaan sare u qaadno cadaadiska diblomaasiyadeed, midka dhaqaale, kan militari iyo midka teknoolaji, islamarkaana ka fal-celinaa dhan kasta,” ayuu yidhi.

Maalinkii ku xigay, madaxa ciidamada Israa’iil Aviv Kahovi ayaa yidhi “waxaan diyaarineynaa habab kala duwan oo gaar ah iyo xeelado dagaal oo aan maskax ahaan ku dhaawacno cadowga.”

Iran iyo Israa’iil, oo ah labada dal ee isugu neceb bariga dhexe weli kuma dhiirin dagaal hubeysan oo toos ah, waxayse hadda ku dagaalamayaan teknoolajiyadda, labadooduna aad ayay ugu wanaagsan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this