Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo qaramaysay malayshiyaad dhowaan dagaal ka riday Koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka GalmudugGalmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay lagu wareejiya dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo beeleed maalmo ka hor weerartay xarunta Ciidanka DANAB ee koonfurta Gaalkacyo.

In ka badan 60 malayshiyo iyo 5 gaadiidka dagaalka ah  oo ay wateen ayaa isla xalay wasiir Fiqi geeyay  magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ka kexeeyay tuulada Saax Qurun ee gobolka Mudug.

Wasiir Fiqi  ayaa sheegtay in malayshiyaadka  iyo hubkooda la qarameyn doono si ay uga mid noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay ciidan dowlo noqon doonaan.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taliska saraakiisha iyo ciidamada dowladda federaalka  ee DANAB oo qayb ka ah sugidda Amniga Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo qaramaysay malayshiyaad dhowaan dagaal ka riday Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this