Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ‘lagu eedeeyey diyaaraddii lagu rasaaseeyey’ Qansaxdheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa Al-Shaabaab ku eedeeyey inay ka dambeeyeen falkii shalay lagu rasaaseeyey diyaarad siday shixnad gargaar ah oo ku socotay degmadaasi.

Mr Cabdirisaaq ayaa sheegay in xilliga la rasaaseynayey diyaaradda ay ku so socotay joog hoose, islamarkaana ay ka timid dhanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in rasaastaasi aysan waxyeelo u geysan diyaaradda, islamrkaana ay degtay, kadibna markii dambe ay si nabad ah uga soo duushay halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/www.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this