Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga xakameynta Covid-19 oo go’aamiyey in hal arrin la sameeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta Covid-19 oo xalay la qabtay ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirka guddoomiyey, iyadoona ay ka qeyb-galeen xubnaha guddiga oo u badan golaha wasiirada Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.

“Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka #COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre.

Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this