Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Habar-gidir oo Cali Gaab ku amray in ilaa amar dambe uusan gurigiisa ka bixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 10 maalmood gudahood waxaa Qaraxyo ka badbaaday Janaraal Cali Xirse Barre (Cali Gaab) oo dhawaan loo magacaabay Hogaanka Caafimaad ee Booliska Soomaaliya, waxaana weeraradaas ka dhashay su’aalo badan.

Janaraal Cali Gaab ayaa shalay gurigiisa ku qaabilay odayaal, siyaasiin iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beesha Habar-gidir waxayna kala hadleen xaaladiisa iyo haddii ay jiraan dad ay is haayaan oo siyaasadda ama ciidamada ku jira.

Jananka ayaa la sheegay in uusan jirin qof uu hadda dagaal kala dhaxeeyo balse ay jiri karaan kuwa badan oo ka xun xilka loo dhiibay. Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiil badan oo booskaan laga badalay ay ka xumaadeen dhismo uu durbo ku bilaabay xarumihii caafimaad ee booliska Soomaaliyeed oo aan muddo dheer la dayactirin.

Sidoo kale Janaraal Cali Gaab ayaa la sheegay in uu aaminsan yahay in Al-Shabaab aysan kali ku aheyn qorshahan balse ay wax ka wadaan kuwa isaga la shaqeeya oo aad ugu dhaw.

Mas’uuliyiintaan ka tirsan Beesha Habar-gidir ayaa Janaraalka ka dalbaday inuu gurigiisa joogo. Sidoo kale waxay u ballan qaadeen in dowladda ay ka dalban doonaan baaritaan dhab ah oo arrintaan lagu sameeyo iyo in Jananka la siiyo gaadiidka aan Xabadda karin, haddii laga waayana ay maalin ku iibin doonaan.

Cali Xirsi Barre oo muddo ka yar laba bil ku magacaaban hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed ayaa durba dhismo iyo dayactir ku bilaabay xarumaha caafimaadka ee booliska, iyadoo sidoo kale hore ugu soo guuleestay hagaajinta iyo daryeelka agoonta booliska Soomaaliyeed.

Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin shaqo, salaad badan, sadaqo badan una jirmaada shaqada uu haayo waana sababta laba jeer aroor hore loo qarxiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this