Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilliga la furayo Kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga joogtada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka uu furmi doono 6-da bisha soo socota June 2020-ka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yareey) ayaa 27-ka bisha June hor imaan doonta baarlamaanka Soomaaliya sida lagu go’aamiyay shirka, waxeyna warbixin ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhageysan doonaan.

Xildhibaanada BF ayaa muddooyinkii la soo dhaafay fasax ku maqnaa, iyada oo ay hakad ku yimideen howlihii shaqo labada aqal ee ku aadanaa arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this