Deeq A. Posted May 25, 2020 Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa cambaareeyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira oo QM ka sheegay inuu Axmed Madoobe la heshiiyey kaliya xubnihii mucaaradka ku ahaa ee beeshiisa. Sayid Aadan ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalkaasi, wuxuuna shaaciyey in Madeira uu ku milmay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ergeyga Midowga Afrika uu u gefay beel Soomaaliyeed, islamarkaana uu ugu baaqayo inuu is-casilo Dhankiiisa Cabdirashiid Maxamed Xidig oo madasha ka hadlay, islamarkaana ka mid ahaa xubnihii wax ka saxiixay heshiiskii Jubbaland ee Nairobi ayaa dhaliilay Madeira. Xidig ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay furi doonaan gal-dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay marxalado siyaasadeed oo aad u culus, iyadoona uu weli halkiisii yahay khilaafka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites