Deeq A. Posted May 25, 2020 Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo Corona ah, kuwaas oo laga helay deegaanadeeda, iyadoo dad hor leh ay cudurka ugu geeriyoodeen maamulkaasi. War ka soo baxay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray illaa 95 qof, balse laga helay 35 ruux oo ka mid ah dadkaasi. Dadka cudurka laga halay ayaa wasaaraddu waxa ay sheegtay inay kala joogaan magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco, Laascanood iyo Allaybaday. Sidoo kale wasaaradda ayaa xaqiijiysay dhimashada hal qof oo haweeney ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus deegaanada Somaliland ayaa waxa ay mareysaa illaa 203 ruux, halka ay ka bogsadeen 19 kale. View the full article Share this post Link to post Share on other sites