Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda sare ee Puntland oo ka tacsiyeeyey geeridii Gama’diid

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka, beeraha iyo is-bedelka cimilada Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Geerida ku timid wasiir Gama’diid ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah Ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Marxuumka ayaa ku dhintay xarun caafimaad oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib markii dhowaan laga soo qaaday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ku hadlayey magaca xukuumadda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida wasiirkii deegaanka, beeraha iyo is-bedelka cimilada Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid), wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gama’diid uu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, islamarkaana uu shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Dhiniciisa Madaxweynaha ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa tacsi u diray Ehellada marxuumka iyo shacabka maamulkaasi.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid wasiirkii deegaanka iyo isbedelka cimilada.” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Axmed Karaash.

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u saameeyey cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this