Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro duqeymo ah oo ka kala dhacay K/ Galbeed iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen duqeymo diyaaradeed oo ay sheegeen in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunya-Barow ee gobolka Sh/ Hoose, islamarkaana lagu dilay xubno uu ka mid yahay sarkaal magaciisa lagu soo koobay Abuu Mucaad.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa tilmaamay in duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaankaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in isla xalay duqeyn saddexaad ay ka dhacday xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jamaame iyo deegaanka Haway ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana lala eegtay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Inta badan taliska howlgalka Mareykanka ee Africom oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa waxa ay weeraro culus ka fuliyaan deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaro Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this