Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo dib u dhigtay imtixaanaadka dugsiyada sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayaa maanta shaacisay wakhtiga la galayo imtixaanaadka shahaadiga ah ee iskuulada maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay wakhtiga imtixanaadka dugsiyada sare iyo hoose, kaas oo ku beegnaa 6-da bisha June.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku shaacisay in imtixanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ee deegaanada Jubbaland la galayo 11/7/2020.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this