Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo u geeriyooday Xanuunka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo u geeriyooday coronavirus

waxa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid.

Marxuumka oo markii hore kamid ahaa dadkii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa la xaqiijiyay in uu ka bogsaday, balse xanuunkaasi dhaawac kaga reebay Habdhiska Neef-mareenka, gaar ahaanna Sambabada, taasi oo keentay in neefsigu ku adkaado.

Wasiirka oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa maalmo ka hor loo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaa  wasiirka Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland loo magacaabay 10 February 2019, waxaana uu xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah.

 

 

pl-3-300x169.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this