Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF Soomaaliya oo dil ka geystay degmada Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maanta rasaas xoogan ay ku fureen gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaas oo marayey degmadaasi.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka baxay dhinaca degmada Afgooye, wuxuuna ku sii jeeday deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof oo ahaa darawalkii gaariga oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Cali.

Sidoo kale Xidig Maxamed Cali ayaa Shabelle u sheegay in marxuumka oo ahaa walaalkiis ay si bareer ah u toogteen ciidamada milatariga, sida uu hadalka u dhigay.

Xidig ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaaladda hor keento askartii ka dambeysay falkaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Awdheegle oo ku aadan dhacdadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/vv.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this