Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Gama’diid

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada”.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa illaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Waxaan illaahay uga baryayaa inuu dembigiisii dhaafo janatul firdowsana ka waraabiyo dadkiisa iyo dalkiisa uu u shaqaynayayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Gama’diid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this