Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Gama’diid

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha naxariistee Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo saaka Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac uu sambabada kaga reebay xanuunka COVID-19.

Qoraal  ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa tacsi loogu diray dhammaan shacab weynaha Puntland gaar ahaanna Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsaday Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Marxuumka.

 Sidoo kale waxa a uu Alle uga baryay Marxuumka in uu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Gama’diid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this