Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa goor dhow Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmihii dambe la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Allaha u naxariistee geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ku dhintay xarun caafimaad oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib markii dhowaan laga soo qaaday Garoowe.

Qaar ka ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiirkaasi.

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka safmarka Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this