Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliland oo Diiwaan Gelisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo lagu guda jiro maalmihii ciidda ayaa xukuumadda Soomaaliland waxa ay shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  35 qof oo cusub uu cudurka soo ritay,  iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 19

Wasaaradda ayaa sheegat in saacadihii la soo dhaafay xanuunkan uu 1 ruux u geeriyooday taas oo ka dhigeysa in guud ahaan ay cudurka Soomaaliland ugu geeriyoodeen 15 qof.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 203 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this