Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga joogtada BF oo kulan xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Insiin ah ay kulan ku yeeshaan guddiga joogtada ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka guddiga ay uga arrinsanayaan xilliga rasmiga ah uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, Xaliima Yarey ay hor imaan doonto baarlamaanka.

Xubnaha guddiga ayaa la filayaa inay go’aamiyaan waqtiga uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si xildhibaannada labada Aqal ay u guda galaan shaqooyinkooda, maadaama bilihii la soo dhaafay ay fasax ku jireen.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliima Yarey ayaa waxaa lagu waday in 27-ka bishan May ay hor-tagto BF, hayeeshee la sheegay in uu dib-udhac ku yimid.

Xaliimo yarey ayaa waxaa laga sugayaa go’aano culus oo ay kamid yihiin inay iclaamiso in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan taas oo keeni karta culeys ay kala kulanto madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn waraka soo baxaya ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka ay horraanta bisha soo socota June ay hortagi doonto xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this