Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya & Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in qaabka dowladda federaalka ay u wajaheyso wada-hadalladaas ay yihiin kuwo aan u wanaagsaneyn labada dhinac.

Deni ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay si toos ah ula xiriireyso odayaasha iyo beelaha qaar ee Somaliland halkii ay madaxda maamulkaasi la hadli laheyd, wuxuuna carabka ku dhuftay in taasi ay sababi karto dagaallo sokeeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay diyaar u tahay doorkeeda, islamarkaana ay dadaallada wada-hadallada uga dambeyneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/OKE.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this