Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Dhoobey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saq dhexe deegaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland uu ka dhacay magaalada Dhoobley.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weereen xero ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin agagaarka garoonka degmadaasi, halkaas oo uu tababar uga socday ciidamo cusub oo ka mid noqonaya daraawiishta maamulkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey, Maxamed Cabdullaahi Koreyd oo ka hadlay dagaalkan ayaa xusay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dagaalkaasi ay ku dileen illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this