Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Dhoobley iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, halkaasi oo uu tababar uga socday ciidamo cusub oo gaaraya 300 oo askari, kuwaas oo aan hubeysneyn, balse loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu dagaalka socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Cabdullaahi Koreyd oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey oo ka warbixiyey dagaalka ayaa guullo ka sheegtay, wuxuuna tilmaamay inay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa dagaalyanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, inkastoo uusan shaacin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa saaka degan, waxaana ku sugan ciidamada Jubbaland oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this