Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiye Al-Shabaab ah iyo xubno kale oo xalay lagu laayey weeraro qorsheysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay saqdii dhexe ka dhacay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Jubaland, duqeyntaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la duqeeyay degaano ka tirsan Shabeellada Hoose, Jubada Hoose iyo gobalka Baay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Duqeynta Shabeelada Hoose oo ka dhacday deegaanka Kuunya-barow ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Abuu Mucaad iyo ciidan la socday kadib markii uu haleelay gantaal ay diyaarad soo ritay.

Sidoo kale duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee Jubada Hoose ayaa lagu sheegay in lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii duqeymo lagu garaacay dhowr fariisin oo degmadaasi ku yaalla.

Wararka duqeynta ayaa sidoo kale soo warinaya in duqeyntii 3-aad laga fuliyay degaanka Buula-fulaay ee gobalka Bay, waxaana lala beegsaday xubno saraakiil u badan inkastoo aan la heynin khasaaraha rasmiga ee duqeynta Buula-fulaay.

Duqeymaha saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ku soo aaday maalmihii la soo dhaafay ay kordheen duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo iyadoo loo dabaal dagayo maalmaha ciida bisha Shawaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this