Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee  xarunta gobolka Baay.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray goob ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka lagu ciyaarayay oo ku taalla magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 3 qof oo 2 ka mid ah ay caruur ahaayeen, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, halka kuwa kalena ay ku warramayaan inuu ka dhashay bam-gacmeed lagu tuuray halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka ag-dhowdahay xero ay ku nool yihiin qoysas badan oo barakacayaal ah.

Ammaanka magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa mid degan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this