Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda dowladda Soomaaliya u fadhida waddanka Pakistan ayaa maanta dalka ku soo celisay 117 qof oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa gudaha  Pakistan.

Garooonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad siday dadkaasi,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaan Khadiijo Maxamed Almakhsoumi ayaa la sheegay in ay dadaal ku bixisay sidii dadkaasi dalka dib ugu soo laaban lahaayeen xilli duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya ay xayiran yihiin sababa la xiriira Xanuunka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale todobaadkii hore dalka kusoo celisay 114 ruux oo ku xayirnaa waddanka Kenya kadib markii ay saamaysay xannibaadda ka dhalatay COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa Pakistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this