Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid Danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Amb. Xamuud Alxuweydi oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray ehelada, Qaraabada iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee uu danjiruhu ka baxay.

Dowladda Soomaaliya waxay ay Murugada la qeybsaneysaa ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Danjire Xamuud, waxayna Alle SWT uga baryeysaa in uunaxariistii janno ka waraabiyo “.

Danjire Alxuweydi muddadii koobneyd ee uu Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya waxa uu ka qeyb qaatay howlo badan oo Soomaaliya lagu taageerayay, waxa uuna ahaa diblomaasi xurmo badan sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this