Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Safiir Carbeed oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho+Xukumada Farmaajo oo ka hadashay Geerida Safiirka

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiir Carbeed oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho

  danjire-300x168.jpg

Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u soo dusiyey in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad.

Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed.

Qoraal ka soo baxay xukumada Farmaajo:-

qoraal.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this