Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif oo shaaciyey in qalabkii loogu deeqay DF lagu iibsado suuqyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya iyo xaaladda isbitaalka Martiini oo dad badan ay ugu geeriyoodeen xanuunka

Sheekh Shariif ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, hayeeshee dadka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo ka feejigan, sidoo kalena dalka uusan laheyn isbitaallo si wanaagsan ugu shaqeeya bulshada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qalabka lagula tacaalo cudurka oo dowladda Soomaaliya ay ugu deeqaan dalal kala duwan, waxaana uu tilmaamay in sidii loogu talo galay aan loo isticmaalin, islamarkaana qaarkood suuqyaa lagu kala iibsaday.

“Waxa aan la soconaa in qalab badan oo dowlado kala duwan ay keeneen waxaa muuqata in aan loo adeegsan sidii loogu talagalay, waxaa kale oo naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaas ma fiicno, amaanada in sida loo keenay loo guto ayaa la rabaa.” ayuu yiri Shariif.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in isbitaallo gaar ah loo sameeyo la tacaalida cudurka faafa ee Coronavirus, isagoona sidoo kale dhaqaatiirta Soomaaliyeed  ka codsaday in aysan ka fikirin dhaqaalo, balse ay bad-baadiyaan dadkooda.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this