Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada kiisaska cudurka Covid-19 ee Somaliland oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah shaacisay kiisas horleh oo cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaanadeeda iyo saddex ruux oo cudurkaas u dhintay.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomaaliland ayaa shaacisay in la baaray 110 qof oo looga shakisnaa cudurka COVID-19, balse cudurka laga helay 37 ruux.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in dadka cudurka laga helay oo kala ah 21 rag ah iyo 16 dumar ah ay dhammaantood ku sugan yihiin magaalada Hargeysa,isla markaana ay yihiin kuwo aan waligood ka bixin Somaliland.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 3 ruux oo qabay cudurka ay ugu dhinteen  Hargeysa, waxaana ay noqonayaan dadka Somaliland ugu dhinta Corona, 14 ruux.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus ee deegaannada Somaliland waxaa ay yihiin illaa 168 qof,  halka ay ka bogsadeen 18 ruux.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this