Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Liyii Boolis oo dad rayid ahaa ku dilay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirta deegaanada dhaca xuduuda, gaar ahaan deegaanka Garasle, kadib markii Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ay dileen dad shacab ahaa.

Dadka la dilay oo tiro ahaan gaarayey 5 ruux ayaa dilkoodu wuxuu yimid, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka Garasle, waxaana ciidamada ay toogteen dadkasShacabka ah oo Xoolo dhaqato ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadu ay duugeen laba barkadood oo ku yaalla tuulada Is-madhaqo, kuwaas oo dadka rayidka ah iyo xoolaha ay biyaha ka cabi jireen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Garasle oo ku yaalla xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa masleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this