Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Laga Helay Corona Virus Ee Somaliland Oo Korodhay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin dheeraada ka bixisay Xogihii ugu dambeeyay Xanuunka Coranavires.

Baadhitaanka 72kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 110

Todoba iyo soddon qof (37) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 16 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(20jir ilaa 30jir = 18 qof)
(30jir ilaa 40jir = 9 qof)
(40jir ilaa 50jir = 2 qof)
(50jir ilaa 60jir = 4 qof)
(60jir ilaa 70jir = 3 qof)
(70jir ilaa 80jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa dhamaan ay degen yihiin magaalada Hargeysa

Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed iyo toban (18)

Waxaa geeriyooday saddex qof oo Hargeysa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 24jir halka laba qof ay ahaayeen dumar oo da’doodu kala ahaayeen 60jir iyo 63jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay Somaliland Afar iyo toban (14).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this