Deeq A. Posted May 24, 2020 Dhammaadka todobaadkan, waxaa loo ballansanyahay in mar kale dib loo bilaabo, dadaal xooggan oo ku wajahan, sidii loo xallin lahaa khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Isku dayo hore, oo ay sameeyeen guddoonka Baarlamanka iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh Puntland, si loo dhex dhexaadiyo labada mas’uul, ayaa fashil ku dhammaaday, kadib markii lagu guul-darraystay waan-waantii socotay. Khilaafka ayaa sii xoogaystay, kadib markii madaxweyne Deni uu xilka qaadis ku sameeyay wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ka agdhowaa Axmed Karaash, kuwa kalena uu magacaabay, taas oo uu ka horyimid madaxweyne ku xigeenka, isagoo sheegay in aan lagala tashan. Khilaafkaas labada mas’uul, oo soo jiitamayay mudda sannad iyo bar ah, balse huursana, waxa uu markii u horraysay soo shaacbay wakhtigii la magacaabay guddiga doorashooyinka Puntland, inkastoo dib laga wada-hadalsiiyay Deni iyo Karaash. Sidoo kale, horraantii bishii April ee sannadkan, ayuu mar kale dib u bilowday khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, kadib markii la isku fahmi waayay isku shaandhayn la doonayay in lagu sameeyo golaha xukuumadda. Wakhtigaas, waxaa gebi ahaanba la joojiyay qorshihii ahaa isku shaandhaynta xukuumadda, waxaase xumaaday xiriirka labada, inkastoo khilaafkoodu uusan dibadda u soo bixin. Todobaad ka hor ayuu haddana dib u soo ifbaxay muranka labada dhinac, kadib markii madaxweyne Deni uu magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku ka hor yimid isagoo sheegay in aan laga tashan. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay khilaafkii Deni iyo Axmed Karaash? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites