Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ka dhacay xaafadda Afisyooni, iyadoo la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab).

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka bad-baaday taliyaha, balse ay ku dhaawacmeen illaa 2 qof oo rayid ah, kuwaas oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Waa markii labaad ee uu qarax ka bad-baadayo Cali Gaab, iyadoo todobaadkii horana lagula bartilmaameedsaday agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this