Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo ku baaqay in la midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa isagoo ka hadlayey magaalada Nairobi ee caasimada dalka soo hadal qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shaakir ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu booriyey reer Galmdug inay isku tashadaan, islamarkaana ay xoojiyaan amnigooda, iyaga oo meel uga soo jeesanaya Al-Shabaab.

Madaxii hore ee xkuumadda Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan dalka, islamarkaana ay ka soo horjeedaan horumarka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Ahlu Sunna ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalkii adkaa ee ay Al-Shabaab kula gashay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Galgaduud.

Hadalkaan ayaase ku soo aadaya, iyadoo weli degmooyin iyo deegaano ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug ay gacanta ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this