Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Cali Gaab oo mar kale ka badbaaday qarax miino

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in qarax miino oo xooggan uu saaka oo Axad ah halkaasi ka dhacay.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa warbaahintu ka soo xigtay in qaraxaas uu ka dhacay xaafadda Afisyooni ee degmadaaasi Waaberi islamarkaan lala eegtay gaari uu la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay oo magaciisa lagu sheegay Gen Cali Xirsi Barre Cali Gaab  ayaa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa balse ay waxyeello ka soo gaartay gaarigiisa islamarkaan ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah.

Gen Cali Gaab oo ah Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa todobaadkii hore sidan oo kale qarax lala eegtay gaarigiisa inkastoo uusan xilligaas la socon gaariga.

PUNTLAND POST

The post Gen. Cali Gaab oo mar kale ka badbaaday qarax miino appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this