Sign in to follow this  
Deeq A.

Karaash: Sannad iyo bar buu soo jiitamayay khilaafkeena haddana salaanta iskama qaadno

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash, oo saaka wareysi gaar ah siinayay BBC-da, ayaa markii u horraysay ka hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, oo ku salaysan awoodaha Dastuuriga ah.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha uu la xiriiro Dastuur-jebin iyo wada-tashi la’aan uu ka tabanayo madaxweyne Deni, maadaama Dastuurku qorayo in labada mas’uul wada- tashi ka sameeyaan shaqada dowladeed ee ka dhexaysa.

Mudane Axmed karaash, oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland, ayaa tilmaamay in uu xaq u leeyahay in madaxweynuhu kala tashado haddii mas’uuliyiin la magacaabayo ama kuwa xilalka laga qaadayo balse taasi aysan dhicin islamarkaana khilaafku halkaasi ka dhashay.

Wuxuu sheegay in khilaafku uu soo jiitamayay mudda sannad bar, hase yeeshee midkan cusub uu soo bilowday, kadib markii madaxweyne Deni uu wiil dhankiisa ka socda u magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada, halka uu shaqada ka cayriyay taliye xigeenkii madaxtooyada oo isagu gaystay (Karaash).

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Karaash ahaan, ay madaxtooyadu ula muuqatay meel aan la isku hallayn Karin, inkastoo uusan faahfaahin shakiga uu qabo ee ku aaddan in madaxtooyada aan la isku hallayn Karin.

Madaxweyne ku xigeenka, oo wax laga weydiiyay in lagala tashaday wasiiradii u dambeeyay ee Deni magacaabay? Ayaa sheegay in isaga iyo Deni aysanba salaanta iska qaadin iska daa wada-tashiye isagoo muujiyay in khilaafkoodu uu meel adag marayo.

Mr. Karaash ayaa xusay in marar kala duwan oo uu madaxweynaha kala hadlay arrintaas, uu ku jawaabay “adeerow meesha anigaa madaxweyne ka ah” balse intaas uu dul qaadanayay.

PUNTLAND POST

The post Karaash: Sannad iyo bar buu soo jiitamayay khilaafkeena haddana salaanta iskama qaadno appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this