Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka horyimid wasiiro uu magacaabay madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno cusub oo uu xalay magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal maanta oo Sabtiya ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Axmed Karaash ku sheegay in aan la tashi lagala samayn magacaabidda wasiirada iyo wasiir ku xigeennada cusub sidaas darteedna ay baal-marsantahay Dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa caddeeyay in ay waxba kama jiraan tahay in isaga la tashi lagala sameeyay magacaabidda wasiirada iyo wasiiro ku xigeennada cusub islamarkaana uusan waxba ka ogayn magacaabiddaas.

Mudane Karaash ayaa sidoo kale xusay in magacaabidda lagu soo beegay wakhti adag oo Puntland wajahayso xaalad Amni iyo mid caafimaad.

Hoos ka akhriso qoraalka

Karaash-1.jpg?w=1000&ssl=1 Karaash-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka horyimid wasiiro uu magacaabay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this