Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Saamaynta Xanuunka COVID-19 ku yeeshay Damaashaadka Ciidda

Recommended Posts

Deeq A.   
ciida.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore: Talaada 4-June 2019

Amarkii ka soo baxay xukuumadda Puntland ee lagu joojiyay jimaacada Salaadda Ciidda ayaa maanta oo Sabtiya ka dhaqan-galay degaannada Puntland kadib markii xalay guud ahaan Soomaaliya looga dhawaaqay Ciidda Soonfur.

Dadweynaha ayaa guryahooda si keli keli ah ugu tukanaya waxaana sidoo kale aad u xaddidan damaashaadka iyo isu soo baxyada shacbiga ee lagu muujinayo Farxadda Ciidda si ka duwan wakhtiyadii hore maadamaa taxaddar laga muujinayo faafidda xanuunka COVID-19.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa gebi ahaanba saaka maran fagaarayaashii lagu oogi jiray Salaadda Ciidda iyadoo masaajiddana ay ku jiraan dad tiro ahaan kooban kuwaas halkaa ku oogaya salaadda Ciidda.

Balse waxaa ciriiri xooggan ka jiraa suuqyada magaalada oo dad badani ka dukaamaysanayaan islamarkaana aysan ka muuqan wax isbedel buuran ah marka loo eego ciidihii tan ka horreeyay iyadoo weli laga digayo faafidda xanuunka Coronavirus.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Saamaynta Xanuunka COVID-19 ku yeeshay Damaashaadka Ciidda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this